Ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ahaa, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa subaxnimadii hore ee maanta shahiiday, halka in ka badan 15 kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ay Yahuuddu la beegsatay teendhooyinkooda oo ku yaalla deegaanka Al-Mawasi, ee Galbeedka Khan Yunis oo dhaca Koonfurta Marinka Gaza.
Sidoo kale shalay Arbacadii waxaa shahiiday 6 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 3 carruur ah iyo 2 dumar, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib duqeyn lala beegsaday guri ay daganaayeen oo ku yaalla xaafadda Shujaa’iyya ee Bariga magaalada Gaza.
Roobabka iyo dabaylaha xooggan ee ku dhuftay Marinka Gaza awgeed, ayaa dadka Falastiiniyiinta ah ee ku barakacay Marinka Qaza waxa ay ku nool yihiin xaalado bini’aadantinimo oo aad u daran, taasoo ay udheertahay xasuuqa Sahaayinada ee socda in ka badan 15 bilood.
Carruurta iyo qoysasku waxay la ildaran yihiin qabowga daran ee jiilaalka, kuwaas oo aan haysanin teendhooyinka ay ka galaan qabawga.
Ciidamada Yahuudda ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan deegaannada kala duwan ee Marinka Gaza, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.