Diyaaradaha Sahaayinada ayaa saaka duqaymo ka gaystay deegaano kamida waqooyi-galbeed magaalada Qaza, kaas oo sababay shahiidka ku dhawaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
10 Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday qaar kalena way ku dhaawacmeen duqayn ay Yahuuddu subaxnimadii hore ee manta ka geysatay guri ku yaalla deegaanka Abu Iskandar ee xaafadda Sheekh Radwaan, waqooyi-galbeed ee magaalada Qaza, sida uu sheegay wariyaha Aljazeera.
Illo dhanka caafimaadka ah ayaa u sheegay wariyaha Anadolu, in diyaarad ay leedahay Sahaayinadu ay duqeysay guri ku yaalla xaafadda Sheekh Radwaan, goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca madaniga ah ay ku howlan yihiin baadigoobka dad la la’yahay oo ku hoos jira burburka guryaha.
3 qof ayaa ku shahiiday oo ay ku jiraan qof dumara iyo ilmo yar, tiro kalena waa lagu dhaawacay, weerar lagu qaaday guri ku yaalla xaafadda Al-Rimal ee magaalada Qaza. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale goobaha caafimaadka soo gaarsiiyay haweeney iyo Labo qof oo kale oo ku dhaawacmay guri ku yaalla xaafadda Al-Zaytuun, ee koonfur bari marinka Qaza.
Jabalia oo ku taalla waqooyiga marinka Qaza, ayaa tan iyo xalay waxaa ka socday hawlgalo duqeymo ah, waxayna dadka ku go’doonsan Beit Lahia soo codsadeen in si degdeg ah loosoo gaarsiiyo gurmad raashin iyo dawo ah, kaddib markii ay dhamaatay wax kasta oo ay noloshu u baahnayd, iyadoo ciidamada Yahuuddu ay joojiyeen dhamaan gadiidkii sahayda u siday magaaladan.
Dhanka waqooyiga marinka Qaza, wariyaha Aljazeera ayaa kusoo waramaya in iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada falastiiniyiinta iyo kuwa Gumaystaha uu dhexmaray dagaal qaraar, kaas oo ka dhacay deegaanka Al-Saftawi.
Dhanka koonfurta, wariyaha Aljazeera ayaa xaqiijiyay in ciidamada gumeysiga Yahuuddu ay qarxiyeen dhismayaal ay daganaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Rafah, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.
Yahuudda ayaa halkeeda kasii wada Xasuuqa Wuxuushnimada ah ee ay kula kacayso walaaladeen reer Falastiin, waxaana illaayo haatan ku shahiiday marinka Qaza wax kabadan 40 kun oo Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen wax kabadan 100 kun.