Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa shalay Isniintii ku dhawaaqday, inay ku wareejisay Saldanada Cumaan 11 Yemeniiyiin ah oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay, halkaasoo ay ku harsan yihiin 15 maxbuus oo keliya. 15-kan maxbuus waxaa ugu caansan Khaalid Sheekh Maxamed oo ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarradii 11 September ee 2001.
“Maraykanku waxa uu bogaadinayaa rabitaanka Saldanada Cumaan iyo saaxiibada kale ee ku taageeraya dedaallada Maraykanka ee socda ee lagu dhimayo dadka maxaabiista ah si masuuliyadi ku jirto, ugu dambayntiina loo xiro xarunta Guantanamo Bay,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay Pentagon-ka.
Ku dhawaaqistan ayaa timid todobaad kaddib markii maxbuus Tuniisiyaan ah laga soo wareejiyay Guantanamo loona soo wareejiyay dalkiisa. Maraykanku waxa uu Guantanamo Bay u adeegsaday in uu ku xiro dadkii ay ku qabteen waxa loogu yeero dagaallada argagixisada.