Weriyaha Aljazeera ayaa sheegay, in ugu yaraan 11 falastiiniyiin ah ay shahiideen kuwa kalena lagu dhaawacay duqaymo, isdaba joog ah oo ay Yahuuddu ku hayso dhowr goobood oo ka tirsan marinka Qaza tan iyo waaberigii saaka, iyadoo ciidanka Yahuuddu ay soo saareen amaro ay ku barakicinayaan 5 xaafadood oo ka tirsan Khan Yuunis, sidoo kale waxay qarxiyeen dhismayaal la daganaa oo ku yaallay waqooyiga iyo koonfurta marinka.
Waqooyiga iyo bartamaha marinka Qaza oo go’doon ku jira muddo labo bilood ah, ayaa lagasoo sheegayaa in 3 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay magaalada Beit Lahia ee waqooyiga Marinka Qaza.
Ilo goob-joogayaal ah ayaa ku waramaya in diyaaradaha guumaysiga Yahuuddu ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen agagaarka xaafadda Sheikh Radwan ee waqooyiga Qaza.
Dhanka kale, ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in tiro Falastiiniyiin ah ay shahiideen kuwa kalana ay dhaawacmeen, kaddib markii ciidamada gumaysigu ay duqeeyeen dhisme 4 dabaq ka koobnaa oo ku yaallay koonfurta magaalada Qaza ee bartamaha marinka.
Dhinaca koonfureed ee marinka Qaza, wariyaha Aljazeera ayaa sheegay in qof Falastiini ah uu ku shahiiday laba kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn cirka ah oo ay Yahuuddu ka geysatay magaalada Al-Nasr ee waqooyi bari kaga beegan magaalada Rafah.