Laga soo bilaabo fiidnimadii Axadda ilaa subaxnimadii hore ee maanta, ciidamada guumaysiga Yahuudda, waxay oll-ole ballaaran oo xarig ah ka bilaabeen Daanta Galbeed, taasoo keentay in la xiro ugu yaraan 12 qof oo falastiiniyiin ah, kuwaas oo ay kasoo kala xireen deegaano kala duwan oo ku yaalla Daanta galbeed.
Warsaxaafadeed goordhow kasoo baxay maamulka Falastiiniyiinta ee daanta galbeed ayaa lagu sheegay, tan iyo xalay fiidkii in ay ciidamada Yahuuddu xireen ugu yaraan 12 qof oo Falastiiniyiin ah.
Bayaanka oo sii socday ayaa lagu sheegay, in tirada Falastiiniyiinta ee ay Yahuuddu xirtay tan iyo 7-dii October 2023 ay kor u dhaaftay 11,500 oo maxbuus, kuwaas oo kasoo jeeda deegaano kala duwan oo Daanta Galbeed oo ay ku jirto magaalada Qudus.