Tirada Shuhadada ee Marinka Qaza ayaa gaartay ugu yaraan 12 ruux tan iyo waabarigii maanta oo arbaco ah, taasoo ka dhalatay weerarro ay Yahuuddu ku bartilmaameedsatay xarun ay dad shacaba gabaad ka dhiganayeen, taas oo ku taalla marinka Qaza, iyadoo ay weli socoto madaafiicda iyo duqaymaha lala beegsanayo meelo kala duwan oo ka tirsan marinka.
Dadkaas waxaa ka mid ah 8 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3 carruur ah, kuwaas oo ku shahiiday weerar ay Yahuuddu ku qaadday Iskuulka Al-Tabaeen, oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, waxaana ciidammada Yahuudda ay horay xasuuq ba’an uga geysteen halkaas bishii Agoosto ee la soo dhaafay.
Xaafadda Shujaiya ee bariga Qaza, waxaa ku shahiiday qof falastiiniyiin ah, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla waddada Baqdaad ee xaafadda Shujaaciyah.
Dhanka Waqooyiga Qaza, 3 Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday qaar kalena way ku dhaawacmeen duqayn ay Yahuuddu la beegsatay dad rayid ah oo ku sugnaa afaafka hore ee Isbitaalka Kamaal Adwan ee Beit Lahia.
Dad goob joogayaal ah ayaa intaa ku daray, in diyaaradaha Yahuudda ay weerarro xooggan ku qaadeen magaalada Beit Lahia iyo agagaarka Isbitaalka Kamaal Adwan, kuwaas oo mid ka mid ah uu bartilmaameedsaday taawar la deggan yahay.
Wariyaha Aljazeera ayaa xaqiijiyay in ciidamada gumeysiga ay ku qasbeen dadkii ku barakacay Iskuulka Awni Al-Harthani ee ku yaalla magaalada Beit Lahia ee waqooyiga marinka Qaza lagu khasbay in ay isaga baxaan iskuullka.
Dhanka bartamaha marinka Qaza, ciidamada Yahuudda ayaa rasaas iyo madaafiic ku garaacay galbeedka xerada Nuseyrat, iyadoo xerada laga maqlay qarax weyn oo ka dhashay duqayn culus oo lagu burburiyay dhismauaal la daganaa oo ku yaalla waqooyiga xerada Nuseyrat.
Tobankii bishii aynu soo dhaafnay ee Augusto ayay diyaaradaha Yahuudda xasuuq ba’an u gaysteen dadka barakacayaasha ah, xilli ay salaaddii subax ku soo tukadeen gudaha Iskoolka Al-Tabaciin, Kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 100 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca tobanaan kale, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee kasoo baxday waaxda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.