Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar cagmarin ah oo ay saakay aroortii hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku lahaayeen duleedka deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe.
Ugu yaraan 15 askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaas cagmarinta ah, kuwaas oo daadsan bannaanka xerara, halka kuwa kalana nolosha lagu qabtay.
Geesta kale waxaa qarax lala beegsaday gudoomiye ku xigeenka deegaanka Xawaadley ninka lagu magacaabo Muuse Qooqane, kaas oo lagu qarxiyay duleedka deegaankaas.
Mooto uu watay Muuse ayaa qaraxa lala beegsaday, waxaana la socday 2 askari oo kamid ahaa istaafyadiisa.
Gudoomoye ku xigeenka iyo labada askari ee istaafkiisa kamidka ahaa ayaa lagu dilay weerarka qaraxa ah ee ka dhacay duleedka deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe.