15 Ka Tirsan Ciidanka DF oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Dayniile.

43
0

Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen askarta dowladda.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa sababay dhimashada 15 asakri iyo dhaawac intaasi ka badan, waxaana ay suxufiyiinta qaar soo bandhigeen sawirro muujinaya baaxadda khasaaraha.

Ciidanka ayaa xilligii qarax lala beegsanayay ahaa kuwa qayilayay, waxaa meydadkooda lagu uruuriyay gaari Cabdibile iyo mid kale oo caasi ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan, dhanka DF-kana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku saabsan qaraxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here