23 qof oo ku Shahiiday Duqaymihii ugu Dambeeyay ee ay Yahuuddu ka Fuliyeen Marinka Qaza.

22
0

Duqaymihii ugu dambeeyay ee ay ciidamada Sahaayinadu ka fuliyeen marinka Qaza, ayaa sababay shahiidka wax ka badan  20 qof  oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo ku shahiiday guud ahaan marinka Qaza tan iyo subaxnimadii hore ee manta.

23 qof ayaa ku shahiiday  duqeymo isdaba joog ah oo ay Yahuuddu ka geysatay guud ahaan marinka Qaza, iyadoo ciidamada guumaysigu ay wali sii wadaan go’doominta ay ku hayaan waqooyiga marinka Qaza.

Ciidamada gumaystaha Yahuudda ayaa maalintii 35-aad go’doomin ku haya  goobo ku yaala waqooyiga marinka Qaza, kuwaas oo gaysanaya  duqeymo isdaba joog ah oo ay ku shahiideen wax kabadan 1,500 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here