Maxkamad ku taalla dalka Filibiin, ayaa 17 dagaalyahan ku xukuntay xabsi daa’in, kadib markii lagusoo eedeeyay afduubka 21 qof oo dalxiisayaal ahaa, kuwaas oo udhashay wadamada reer galbeedka.
Dadkan ay xukuntay maxkamadda heer gobol ah, oo kutaala duleedka magaalada caasimadda ah ee Taguig, waxaa kamid ahaa labo hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Abu Sayyaf, Hilarion Santos iyo Redendo Dellosa.
Bishii April 2000, dagaalyahano katirsan ururka Abu Sayyaf oo ku hubaysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo baangado, ayaa doomo dheereeya ka soo kaxaystay goobihii ay ku sugnaayeen ee kaymaha koonfurta Filibiin, waxayna weerar ku qaadeen jasiiradda Sipadtan, oo ah goob lagu dalxiiso oo ku taalla dalka jaarka la ah ee Malaysia, halkaas oo ay ku qafaasheen 21 dalxiisayaal reer galbeed ah.