DOODII UGU DAMBEYSAY EE KA DHACDAY MADAX TOOYADA MUQDISHO.                    

38
0

Madax weynaha maamulka labaxay Jubbaland Axmed Madoobe,  ayaa xalay si cad udiiday iney qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas bedelkeeda wxuu sheegay in isaga uu qabsan doonno doorasho dad badan.

Madxweynaha DFka ee xasan sheeq iyo Ra,iisul wasaarihiisa Xamze ayaa qol gaar ah kula shiray Axmed Madoobe, si ay uga dhaadhiciyaan inuu qeyb ka noqdo heshiiska Hogaamiyeyaasha kale ee  dhigiisa ah ogolaadeen, hadana uu qaatay go,aan ka dhan ah.

“Odaygaan indhihiisa waxay umuuqdaan mid xabsiga dhexe ee Muqdisho lagu tuuri doonno ee maxaa dhici doonno hadii ay taasi dhacdo” sidaasi waxaa yiri: Cabduqaadir Dige oo ah Madaxa war faafinta ee Madaxtooyada.

Dhanka kale waxaa hadalkaan jawaab kabixiyey maamulka Jubbaland, waxayna ku tilmaantay deelqaaf aad uweyn iyo fool xumeyn lala doonayo shaqsiyada Axmed madoobe, oo ay sheegeen inuu u hadlayo metelaad maamulkiisa waa sida hadalka loo dhigaye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here