Dabley hubeysan ayaa 20 qof oo macdan qodayaal ah ku dilay dalka Pakistaan halka 7 kalena ay dhaawaceen, weerarkan ayaa ka dhacay goob laga qodo dhuxusha oo gaar loo leeyahay oo ku taalla Koonfur-galbeed Pakistan, sida ay booliisku sheegeen, arrintan ayaa sare u qaadaysa walaaca ammaan ee laga qabo shir-madaxeedka caalamiga ah, ee dhawaan la filayo inuu ka qabsoomo Islaamabaadh.
Weeraryahannadan ayaa habeenimadii Khamiista gudaha u galay xarunta macdan qodista ee degmada Dukki ee gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed Pakistan, waxayna isku soo uruuriyeen shaqaalihii goobta ku sugnaa ayagoo rasaas ku furay, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliska deegaanka Hamayun oo lagu magacaabo Khan Nasir.
“Koox hubaysan ayaa weeraray shirkadda Junaid Coal ee ku taala aagga Dukki saacadihii hore ee maanta, iyaga oo adeegsanaya hub culculus,” ayuu yiri sarkaal kan ka tirsan booliska deegaanka Hamayun, isaga oo intaa ku daray in dablaydan hubaysan ay Bam-gacmeedyo ku tureen shirkada.
Inta badan dhibanayaasha waxay ka soo jeedaan gobollada looga hadlo Luuqada Pashtuga ee gudaha Balochistan, sida uu sheegay Nasir. Saddex ka mid ah dadka dhintay iyo afar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa u dhashay dalka Afghanistan.
Balochistan waa goob ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo hubeysan, waxaana ugu caansan ciidamada xoreynta Balochistan (BLA). Waxay ku eedeeyeen xukuumadda dhexe ee Islamabad inay ka faa’iidaysanayso saliidda iyo macdanta uu hodanka ku yahay gobolkan, si ay u waxyeelayso dadka ku nool gobolka, kaas oo ah gobolka uguwayn Pakistaan dhanka kalana ugu dadka yare ee xuduuda la leh dalalka Iran iyo Afgaanistaan.