Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqday, in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen weerar ay Yahuuddu ku qaadday dhisme ku yaalla magaalo xeebeedka Barja, oo 20 kiiloomitir koonfur kaga began magaalada Beirut.
Wasaaraddu waxay horey u shaacisay in weerarkan lagu qaaday magaalad Buurja ay ku dhinteen 15 qof iyo dhaawaca dad kale, balse Bayaan labaad oo wasaaradu soo saaraty waxay ku sheegtay, in tirada dhimashadu gaartay 20 qof oo shacab ah.
Saacado kahor waxaa sidoo kale la weeraray dhisme kale oo la deggan yahay kaas oo kuyaala magaalada Jiyeh, oo u dhow magaalada Barja, halkaas oo uu ku dhintay hal qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.