20 Ruux oo ku Dhaawacmay Weerar Gaari Jiirsiin ah oo Ka Dhacay Mareykanka.

11
0

Warbaahinnada waddanka Mareykanaka ayaa ku waramay, in ruux uu baabuur jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa banaanka goob lagu caweeyo oo ku taallo magaalada Loos Anjalis ee dhacda gobalka Kalifoorniya, halkaas oo ay ku dhaawacmeen dadyow fara badan.

Waaxda dab damiska ee magaaladaas ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen, in tiro ka badan 20 qof ay ku dhaawacmeen weerarkan gaari jiirsiinta ah, kuwaas oo qaar kamida ay xaaladoodu liidato.

Dhankeeda, shabakadda ABC News ee kasoo baxda waddanka Mareykanka oo soo xiganeysa booliska magaalada Loos Anjalis ayaa sheegtay, in baaritaanada ugu horreeya ay muujinayaan, in darawalka uu miyir beelay isla markaana uu gaariga taraarsiiyay dad badan oo ku sugnaa banaan goobta lagu caweeyo, inkasto oo ay booliska dalkaas sheegeen, inay wadaan baaritaanno ku saabsan sababta rasmiga ah ee ka danbaysay weerarkan.

Sidoo kale, maamulka Mareykanka ayaa maanta shaaca ka qaaday, in Saddex qof ay ku dhinteen shil ka dhacay xarun lagu tababaro booliiska Mareykanka oo ku taalla magaalada Loos Anjalis, iyagoo aan wax faahfaahin ah ka bixin nooca shilkaas, balse qaar kamida warbaahinta dalkaas ayaa ku waramay, in qarax xooggan laga maqlay xaruntaas.

Waxa loogu yeero Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka haweenayda lagu magacaabo Baam Boondi ayaa barteeda “X” ee horay loo oran jiray Tuwiitar-ka kusoo qortay qoraal ahaa, “Waxay u muuqataa in dhacdo argagax leh ay ka dhacday goob tababar, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof.” Waxay xustay, in baarayaashu ay gaareen goobta ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay xog dheeraad ah u heli lahaayeen.

Waddamada reer Galbeedka ayaa waxaa marar badan laga soo calaamadeeyay weerarro kaligii duul ah, kuwaas oo ay qaarkood fuliyeen dhallinyaro Muslimiin ah oo ka dhiidhinaya gabood fallada dowladahaasi ka wadaan waddamada Muslimiinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here