28 ka mid ah mintidiinta daacada u ah madaxweynahii la afgambiyey ee Suuriya Bashaar Al-asad ayaa la dilay Khamiistii intii ay socdeen iska horimaad ay ciidamada ammaanka kula galeen gobolka Latakia, sida ay sheegtay kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya, halka mas’uuliyiinta ay bandow ku soo rogeen aaggaas.
Kormeerayaasha ayaa tiriyay, dilka 28 ka mid ah mintidiinta Bashaar Al-asad kuwaas oo lagu dilay magaalada Jableh iyo nawaaxigeeda, xilli waaxda ammaanka guud ee gobolka Latakia, oo ka digaysa haraadiga qoyska Al-Asad, ay ku dhawaaqday, inay soo rogtay bandow illaa 10:00 subaxnimo ee maanta oo Jimce ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.
Horaantii Khamiista ayay ahayd markii ciidamada ammaanka Suuriya ay shaaciyeen, in ay galbeedka dalkaasi iska horimaadyo kula jiraan kooxo hubeysan oo gacan saar la leh sarkaal hore oo lagu magacaabo Suheil al-Hassan, kaasoo ka mid ahaa hoggaamiyaashii ugu caansanaa ee ciidamada Nidaamkii Bashaar Al-Asad.
Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa kasoo xigatay Agaasimaha Ammaanka ee Gobalka Latakia oo leh “Kooxaha hubaysan ee ciidamadeena amaanku ay isku dhacayaan baadiyaha Latakia waxaa hogamaaya dambiilaha dagaalka Suhail al-Hassan”.
Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan magaalada Latakiya ayaa sheegay, in kooxaha haraadiga ka ah maleeshiyaadkii Bashaar Al-Asad ay bartilmaameedsanayaan ciidamada iyo gaadiidka wasaaradda gaashaandhigga ee ku dhow magaalada Beit Ana ee ku taalla baadiyaha Latakiya, taasoo keentay in hal askari uu ku geeriyooda, qaar kalena ay ku dhaawacmaan.