29 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay shalay, kaddib duqayn cirka ah oo lala beegsaday kaalin shidaal oo ku taalla aagga koonfureed ee Khartoum, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Taageerada degdega ah.
Weerarkan oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaan Drone-ka, ayaa lagu qaaday goob suuq ah oo ay dadku ku badnaayeen, halkaas oo ay sidoo kale ku taalay kaalin shidaal ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay sheegeen dad la hadlay wakaaladda wararka ee Jarmalka.
Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay, in duqeynta ay sababtay qaraxyo xooggan iyo rasaas ka dhacday goobo badan.
Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Jarmalka, deegaanka koonfurta Khartoum, gaar ahaan xaafadda Maay iyo Al-Azhari, ayaa ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada Taageerada degdega ah, waxaana ku yaalla suuqa caanka ah ee Maay-ga oo lagu iibiyo badeecadaha la soo xado ee ay gacanta ku dhigaan maleeshiyaadka Taageerada degdega.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kaasoo qayb ka ah colaadda dhiigga badan ku daatay ee Suudaan ay tan iyo bartamihii bishii Abriil ee sannadkii 2023-kii ay ku dhex-marayeen ciidammada dalkaas iyo xoogagga Taageerada degdegga ah, waxayna dagaaladaas sababeen dhimashada in ka badan 27,120 qof iyo barakac qiyaastii 14 Milyan oo qof oo ku sugan gudaha iyo dibadda Suudaan, sida lagu sheegay qiyaasaha hay’adaha caalamiga ah.