Ilo wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay, in Saddex dagaalyahan oo katirsanaa kooxaha wax iska caabintu, ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada maamulka Maxamuud Cabaas ku fureen magaalada Catiil oo dhanka waqooyi kaga beegan Tulkarm, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli ciidamada gumeysigu ay gudaha u galeen magaalooyinka Daanta Galbeed.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in ciidamada Nabadsugida maamulkaasi ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa wax iska caabinta Falastiiniyiinta, kuwaas oo ku sugnaa magaalada Catiil, waxaana la sheegay in rasaastaas ay ku dhawaacmeen tiro dad ah, kuwaas oo mid kamid ah uu qabo dhaawac culus.
Howlgalkan cusub ayaa imaanaya iyadoo ilo-wareedyo ay Aljazeera u sheegeen in ciidamada maamulka Maxamuud Cabaas ay dab qabadsiiyeen guryo ay dadkii deganaa ka barakaceen, Kooxaha wax iska caabinta ayaa ku eedeeyay Maamulka in ay ka gudbeen khadadka cas ayna sii kordhiyeen xaalada, Ciidmadan ayaa garab istaag buuxa u fidiya ciidmada Yahuudda ee Falastiin gumaysiga ku haysta.