Saddex qof ayaa ku dhintay todobo kalena waa la la’yahay kadib markii markab ay wateen dad kalluumaysato ah uu subaxnimadii hore ee maanta ku degtay biyaha xeebaha koonfureed ee Kuuriyada Koonfureed.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap ayaa sheegtay, in markabka oo culeyskiisu dhan yahay 139 tan, ayna saarnaayeen 14 shaqaale ah, la waayay subaxnimadii hore ee saaka, isagoo ku sugnaa meel 17 kilomitir dhanka bari ka xigta jasiiradda Habaek, una dhow magaalada Yeosu, oo 316 kilomitir koonfur ka xigta magaalada Seoul.
Maraakiibta ilaalada xeebaha eee Kuuriyada Koonfureed iyo doonyo kale oo ay leeyihiin kalluumaysato ayaa soo qaaday 7 shaqaale ah, kuwaas saddex kamida ay u dhasheen Kuuriyada Koonfureed, halka afarta kalana ay ajaanib yihiin, balse saddexda Kuuriyada Koonfureed ayaa dhintay, oo uu ku jiro naakhuudihii markabka oo 66 jir ahaa.
Afarta qof ee badbaaday ayaa labo ruux waxa ay u dhasheen Indonesia, halka labada kalana ay kasoo jeedeen dalka Vietnam.
Badmaax Ajnabi ah ayaa sheegay, in markabka uu u rogmaday dabeylo iyo mowjado jiray awgood, balse maamulka ayaa la filayaa in ay sameeyaan baaritaan lagu ogaanayo sababta dhabta ah ee keentay shilka.
Ilaalada xeebaha Kuuriya ayaa geyay goobta 23 markab iyo 8 diyaaradood, oo ay weheliyaan taageero ay ka heleen hay’ado kale iyo maraakiib kalluumaysi ah, si loo baadi gooba 7 ruux ee la la’yahay, kuwaas oo shan kamida ay u dhasheen Kuuriyada Koonfureed, halka labada kalana ay kasoo kala jeedaan dalalka Indonesian iyo Vietnamese.