30 qof oo la la’yahay kadib markii uu Dhul go’a ka Dhacay Dalka Shiinaha.

20
0

Dhul go’a ka dhacay magaalada Yibin ee koonfur-galbeed ee gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha, ayaa aasay ugu yaraan 10 guri, in ka badan 30 qofna waa la la’yahay illaa 5-tii galabnimo ee Sabtidii, sida uu sheegay Telefishanka Dhexe ee Shiinaha.

Telefeshinka dhexe ee Shiinaha ayaa sheegay, in dhul go’a uu dhacay abaare 11:50 subaxnimo ee waqtiga maxaliga ee Shiinaha, isagoo intaa ku daray in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu amar ku bixiyay howlgal ballaaran oo baaritaan iyo samatabbixin ah oo lagu sameeyo aagga uu dhul Dhul go’u ka dhacay, sida ay sheegtay maanta wakaaladda wararka ee Bloomberg.

Ku dhawaad ​​200 oo qof ayaa loo daadgureeyay meelo nabdoon kadib markii uu dhul go’ay. Sagaal qof ayaa ku dhintay dhul go’ iyo daadad ku dhuftay koonfurta Shiinaha bishii June ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here