30 Sarkaal oo Kamid Ahaa Saraakiishii Nidaamkii Bishaar Al-Asad oo Lagu Xiray Dalka Lubnaan.

8
0

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo Lubnaani ah ayaa sheegtay, in waxa loogu yeero booliska caalamiga ah ee Interpol ay ku amreen xukuumada Lubnaan in ay xidhaan agaasimihii hore ee sirdoonka ciidamada cirka ee Suuriya Jamiil al-Hassan oo ay u gacan galiyaan Maraykanka.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay soo shaac baxday in maamulka Lubnaan ay xireen 30 sarkaal oo ka tirsanaa xukuumadii Bashaar Al-Asad ee xukunka laga tuuray 8-dii bishan December, saraakiishan ayaa dhumalaysi kusoo galay dalka Lubnaan, balse waxaa gacanta kusoo dhigay laamaha Amaanka dalkaas.

Dhankiisa, Ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa shalay Isniintii sheegay, in dalkiisa uu la kaashan doono codsiga booliiska caalamiga ah ee lagu xirayo agaasimihii hore ee sirdoonka ciidamada cirka ee Suuriya, Sarreeye gaas Jamil Al-Hassan.

Al-Hassan ayaa sidoo kale ka mid ahaa Saddex sarkaal oo sare oo katirsanaa Nidaamkii la riday oo ay maxkamad Faransiis ah ku xukuntay bishii May ee la soo dhaafay in ay galeen dambiyo dagaal oo ay ku lug lahaayeen dilka nin Faransiis-Suuriya ah iyo wiil uu dhalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here