Soomaalida Aan Sharciga Heysan Ee Joogta Mareykanka oo Loo Kordhiyay Mudada Sii Joogitaanka.

72
0

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in 18 bilood loo kordhiyay  Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalkaas, laga bilaabo Sebtember 18, 2024, ilaa 17-ka Maarso, 2026, sababo lagu sheegay xaaladaha ka jira Soomaaliya oo u diidaya in dadkan ay si nabad ah ku soo laabtaan.

“Kadib markii qiimeyn lagu sameeyay iska hor-imaadyada hubeysan ee ka socda dalka Soomaaliya waxay dowladda Mareykanka garowsatay in aysan macquul ahayn in xilligan la celiyo dadkaas” sidaasi waxaa laga soo xigtay waaxda amniga gudaha ee dalka Maraykanka.

Soomaalida tahriibka ku gashay Mareykanka ayaa tallaabadaan u arka fursad, walow ay ka cabanayaan shaqo la’aan iyo nolosha oo ku adag.

Alejandro N. Mayorkas oo ah mas’uul ka tirsan xukuumadda Washington ayaa ku nuuxnuuxsaday sidan: “Colaadaha hubaysan iyo nabad-gelyo-xumo baahsan ayaa waxyeello u geystay dad rayid ah oo ku nool Soomaaliya sannado badan, taasoo ay uga sii dartay maanta dhibaatooyinkii macluusha, cudurrada, iyo cimilada aadka u daran.”

Go’aankan ayaa fursad siinaya dad gaaraya 600 oo qof oo hadda haysta joogista ku meelgaarka ah kuwaasoo ay weli suuragal u tahay in ay sii haystaan joogitaan ilaa sanadka 2016-ka.

Dadkan Soomaalida ah ayaa laga doonayaa in ay dib isu-diwaangeliyaan iyadoo Soomaalida wadankaas tagtay wixii ka horreeyay bishii julay ee sanadkan ay fursad u haystaan inay codsadaan sharcigaan kumeel gaarka ah.
Mareykanka ayaa lagu eedeeyaa in uu qeyb ka yahay daganaansho la’aanta ka jirta Soomaaliya ee keentay in malaayiin qof ay dibadda u qaxaan, wuxuu 2006 usoo diray ciidamada Itoobiya kuwaasoo in ka badan 20,000 ku dilay Muqdisho oo kaliya illaa haddana Soomaaliya waxaa jooga isbahaysi shisheeye oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here