Maleeshiyo ku sugan Pakistan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada ammaanka ee dalkaas oo ka jawaabayay weerar habeen hore lagu qaaday gawaari gargaar siday oo marayay waqooyi galbeed ee dalkaasi, waxaana ka dhashay iska horimaad sababay dhimashada afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Pakistan, sida ay saraakiishu sheegeen maanta.
Weerarkan gaadmada ah ayaa yimid saacado kadib markii ciidamo gurmad ah loo diray si ay wax uga qabtaan weerarkii Isniintii lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo siday gargaar, kaasi oo lagu dilay darawal iyo sarkaal amni, weerarkaas ayaana ka dhacay mandiqadda Kurram ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee Pakistan ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka gaadmada ah ee ka dhacay mandiqadda Kurram, halkaasoo ugu yaraan 130 qof lagu dilay bilihii la soo dhaafay iska horimaadyo u dhexeeyay qabaa’ilka Shiicada iyo Sunniga, sida ay saraakiishu sheegeen.
Dhowr baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah oo ku sii jeeday magaalada Parachinar ee gobalka Kurram ayaa la dhacay waxyaabiihii ay sideen, halka qaar kalana la gubay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Dabley ku sugan waqooyi-galbeed Pakistan ayaa dilay darawal iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Isniintii shalay, kaddib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo siday cunto, dawo iyo agab kale oo ay u wadeen kumannaan qof oo ka mid ah dadka deegaanka ee ku waxyeeloobay rabshadaha halkaas ka jira, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.
Waa weerarkii saddexaad ee tan iyo bishii Janaayo ka dhaca Kurram, oo ah mandiqad ku taalla gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee ay ka jirto xasillooni darrada, halkaas oo ugu yaraan 130 qof lagu dilay bilihii la soo dhaafay iskahorimaadyo u dhexeeyay qabaa’ilka Shiicada iyo Sunniga.