Booliska Britain ayaa sheegay, in afar qof ay ku dhaawacmeen weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay deegaanka Kingsend oo hoostaga magaalada Birmingham, halkaas oo nin mindi ku hubeysan uu ku weeraray dad marayay waddo aaggaas ku taalla.
Muuqaallo laga soo duubay oo ku faafay baraha bulshada ayaa muujinayay, markii qof, oo sida muuqata sitay mindi weyn, uu weeraray qof wadada marayay ka hor inta uusan ka baxsan goobta.
Bilayska dalkaas ayaa markii hore sheegay, in laba qof ay ku dhaawacmeen weerarka, kuwaas oo loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo, balse markii dambe waxa ay soo saareen war cusub oo ay ku sheegeen, in afar qof la tooriyeeyay.
Waxay intaasi ku dareen, inay wadaan baaritaan ku aaddan dhacdadan, iyagoo xusay, in nin 32 jir ah la xiray goor sii horeysay, welina uu xabsiga ku jiro.
Dhawaanahaan waxaa dalalka reer Galbeedka kusoo batay weerarrada caykaan oo kala ah, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo argagax, arintaan ayaana loo sababaynayaa gabood fallada ay dowlada reer Galbeedka ka geysanayaan waddamada Islaamka.