Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in saraakiil ka tirsan ciidamada Yahuudda ay la kulmeen, weerar kamiin ah oo ka dhacay waqooyiga marinka Qaza.
Wararku waxay intaas ku darayaan, in rag hubeysan oo ka tirsan guutooyinka Al-Qassam ay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Yahuudda, xilli uu kor meer ku samaynayay waqooyiga marinka Qaza.
Weerarka kamiinka ah oo lagu bilaabay miino dhulka lagu aasay, ayaa sababtay dilka 4 sarkaal oo Yahuudd ah, oo uu ku jiro kornayl ciidan, kaas oo ahaa taliyaha guutada 401aad ee ciidanka Sahaayinada, ninkan ayaa lagu magacabi jiray kornel Daksa.
Dhinaca kale, ciidamada Yahuudda ayaa si rasmi ah u shaaciyey dimashada kornel Deksa oo xumin muhiima u ahaa ciidanka Sahaayinada.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si isdaba jog ah, loo dilayay sarakiisha ciidamada Yahuudda, ku waaas oo naftooda ku waayay dagaalka gardarada ah ee ay kaga jiraan jiida Qaza, muqawamada dhankooda ayaa ayaguna balan qaaday inay sii wadi doonaan ladagaalanka iyo beegsiga sarakiisha cadowga.