42 Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Xasuuq Maleeshiyaadka RSF ka Geysateen Suudaan.

7
0

Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa maanta shaacisay, in dad fara-badan oo rayid ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar ay maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah ku qaadeen degaan ku yaalla Waqooyiga Gobolka Kordofaan ee bartamaha Suudaan.

Shabakadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in ciidammada Taageerada Degdega ah ay fal dambiyeed fool xun ka geysteen deegaan dhaca Waqooyiga Gobolka Kordofaan, iyagoo halkaas ku dilay 11 qof oo rayid ah oo ay ku jireen saddex carruur ah oo aan waxba galabsan, halka 31 kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan 9 haween ah oo qaarkood uur lahaa.

Maleeshiyaadka RSF ama dacmu Sariic ee xiriirka dhaw la leh dowladda Imaaraatka Carabta ayaa caadaystay daadinta dhiigga dadka abriyada ah ee ku nool dalka Suudaan, iyagoo dhawaan diiday, inay xisaarka ka qaadaan magaalada Al-Faashir oo ay gudaheeda ku go’doonsan yihiin boqolaal qof oo rayad ah, kuwaas oo xaaladooda aad looga dayrinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here