46 qof oo ku dhintay duufaano iyo roobab iswata oo kada’ay dalka Filibiin.

22
0

Roobab xoogan ayaa ka da’ay dalka Filibiin, kuwaas oo gaystay khasare nafeed iyo mid maaliyadeed intaba, magaalada Tuguegarao ee dhacda gobolka Cagayan, ayaa inteeda badan burburtay, taas oo ay sabab utahay duufaanta loogu magac daray Tropical Storm Trami ee ku dhufatay dalkaas.

Duufaantan waxaa ku dhintay 46 qof  maanta oo Jimce ah, iyadoo 20 kalena la la’yahay, kuwaas oo la rumaysan yahay inay daadadku qaadeen.

Maamulka Difaaca Madaniga ah ee dalkaas, ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca sii kordhaya ay ka dhasheen dhul go’o, fatahaado iyo dhibaatooyin kale oo la xiriira dabeylaha duufaanta, kuwaasi oo intooda badan ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Beekuul.

Duufaantan oo aad u xooganayd ayaa xawaaraha socodkeedu  gaaray 100 kiilomitir saacaddii, waxayna qaar ka mid ah saraakiisha maxalliga ah, ay sheegeen in xadiga roobka  da’ay hal maalin uu udhigamo roob di’i lahaa Labo bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here