5 Arimood oo ay Wadaagaan Dawladdii Suuriya ee Burburtay & Dawladda Fadaraalka ee Soomaaliya.(Maqaal)

196
0

Waxaan maalmihii lasoo dhaafay si qoto dheer ula socday waaga cusub ee ubaryay dalka Suuriya, kaddib markii ay kooxihii mucaaradka ee Suniyiinta talada ka tureen nidaamkii dhiig-yicabka ahaa ee Bishaar Al-Assad.

Waxaana dareemay farxad aad uwayn marka aan arkay Muslimiinta oo si nabad-galyo ah kula wareegaya magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, kuwaas oo uu Allaah ka dulqaaday nidaam mujrim ah oo an waxbana ureebanin Muslimiinta dalkaas.

Balse dhawr maalin kaddib guushaas taariikhiga ah, anigoo kasoo baxay goob shaqo ah oo aan ku leeyahay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa si kadis ah igu soo dhacay, suurta-galnimada in Soomaaliya ay marti galiso waxii Suuriya ka dhacay oo kale.

Waxa aan in mudda ah ka fikaraba, waxaa ii soo baxday in dawladdii Bishaar Al-Assad ee ku burburtay mudda ka yar Labada todobaad, ay dhan walba ka awood badnayd dawladda Fadaraalka ee Soomaaliya, maadama dawladda Fadaraalku ay asan haysanin waqti xaadirkaan ciidamo difaaci kara danaheeda, waxaana arintaas tusaale kuugu filin ciidamadii ay dawladda geysay Raaskambooni, kuwaas oo ay naftu biday inay maciin bidaan dawladda Kenya.

Si kastaba ha ahaatee waxa aan go’aansaday in aan maqaalkaan gaaban kusoo bandhiga 5 arimood oo ay wadaagaan dawladdii Suuriya ee burburtay iyo dawladda Fadaraalka ee Soomaliya, waxayna  kala yihiin shantaas qodob.

1: Qodobka Kowaad ayaa noqanaya ku tiirsanaanta awooda shisheeye: dawladdii Bishaar Al-Assad ee ay talada ka tureen kooxaha kacdoon-wadayaasha ah ee dalka Suuriya Siddeedii bishaan, ayaa ahayd dawlad inteeda badan laga taakuleeyo meel ka baxsan dalka Suuriya. Dawladaha Iran iyo Ruushka ayaa ka mid ahaa awoodaha uu ku tiirsanaa maamulkii Bishaar Al-Assad, waxayna Iran ka caawin jirtay maamulkaas dhanka hubka sida gantaallada Balaastigada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halka uu Ruushkuna ku lahaa dalkaas saldhigyo malatari oo ay kasoo kici jireen diyaaradiihiisa dagaalka, kuwaas oo duqeymo ka geysan jiray goobaha ay gacanta ku hayeen kooxaha mucaaradka ah.

Geesta kala, dawladda Fadaraalka ayaa ah mid ay gabi ahaanteedaba gacanta ku hayaan dawladaha reer Galbeedka, iyaga ayaana bixiya dhammaan qarashaadka ku baxa xafiisyada dawladda, saadka iyo saanadda ciidamada, waxayna sidoo kale dawladda Fadaraalka ku tiirsan tahay diyaaradaha Mareykanka ee ku sugan xerada Balidoogle ee gobalka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dusha ka ilaaliya ciidamada dawladda Fadaraalka mar kasta oo ay hawl gal qaadayaan.

Waxaa macquul ah, in marka ay meesha ka baxdo taageerada ay dawladaha reer Galbeedka siiyaan dawladda Fadaraalka, in ay u kala daadato si ka fudud sidii uu uburburay Nidaamkii Bishaar Al-Asad, kaddib markii uu waayay taageeradii dibadda.

2: Arinka Labaad oo ay iska shabahaan Labada maamul ayaa ah dhanka sirdoonka, dawladda Shuuciyadda ah ee Iran ayaa Boqollaal ka tirsan khubaradeeda malatiga kusoo daabushay dalka Suuriya si ay Bishaar Al-Assad kaga taageeraan dhanka sirdoonka, kuwaas oo qaarkood ku le’day duqeymaha ay Yahuuddu ka fulisay dalkaas, balse waxba ma tirin sirdoonkii Iran, kooxa mucaaradka ayaana ku guulaystay inay dhex galaan qaybaha kala duwan ee dawladdaas.

Marka loo eego dawladda Fadaraalka malahan sirdoon madax-banaan oo keeni kara macluumaad lagu kalsoon yahay, waxaana dhammaan lamaheeda mukhaabaraadka gacanta kula jira ajaanibta  fadhida xerada Xalane, waxa ay usoo sheegaan sirdoonnada reer Galbeedka ee Xalane ayayna dawladda Fadaraalka wax ku dhisataa, kuwaas oo inta badan aan la wadaagin arimaha xasaasiga ah, maadaama aysan dawladdu lahayn sirdoon madax-banaan oo wax lagu aamini karo.

3: Qodobka  Saddaxaad ayaa noqonaya kala shakiga dawladda iyo saraakiisha ciidamada, sida laga soo xigtay wasiirka arimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi, Bishaar Al-Assad ayaa ka hor inta uusan ka cararin magaalada Dimishiq, waxa kala shaki wayn soo kala dhex galay isaga iyo hogaamiyaashiisa sar-sare ee dhanka ciidanka.

Waxa uuna ku tuhmay saraakiishaas inaysan daacad ka hayn dagaalka ka dhanka ah kooxaha mucaaradka, wararka qaar ayaana tilmaamayay, in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dawladdiisa uu ka dareemay saan-saan ah inay doonayeen, inay ugacan galiyaan kooxihii mucaaradka.

Taas badalkeeda waxaa qaybaha kala duwan ee dawladda Fadaraalka ka dhex jira kala shiki aad uwayn, waxaana dhawr jeer lagu tuhmay qaar ka mid ah saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada, inay fududeeyeen qaraxyada iyo hawlgallada ay Al-Shabaab ka fuliso saldhigyada ciidamada iyo xarumaha dawladda ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, waxaana marar badan xabsiyada loo taxaabay askar iyo saraakiil lagu eedaynayo in ay ku lug leeyihiin kiisaskaas.

4: Qodobka Afaraad ee aay aad iskaga egyihiin dawladda Fadaraalka iyo nidaamkii burburay ee Bishaar Al-Assad, waa dhanka dhaqaalaha, waxaa sanadihii ugu danbeeyay ee dawladdii dhacday ee Bishaar Al-Assad ku habsaday dhaqeele xuma aad udaran, taas oo keentay in xittaa ay dawladdu awoodi waysay  gunnooyinkii la siin jiray ciidamada.

Bishaar  ayaa mar uu safar ku tagay dalka Ruushka waxa uu ka codsaday madax-waynaha dalkaas, in uu ka taageero dhanka dhaqaalaha, balse Ruuska oo la daalaa dhacayay dagaalka ka socda Yukrayn ayaa waxba u awoodi waayay Bishaar, waxaana dhacday in dhaqaale xuma awgeed ay ciidamadiisii ay raxan- raxan isugu soo dhiibaan kooxihi kacdoon-wadayaasha ee dalka Suuriya.

Marka aan u imaadna dawladda Fadaraalka waxaa aan lawada soconaa in ciidamadii midawga Afrika uu waqtigoodii dhamaaday, laguna dhawaaqay hawl-gal cusub, kaas oo illa iyo hadda aysan jirin cid tunka uridatay dhaqaalihii lagu qarash-garayn lahaa, wuxuuna madax-waynaha dawladda Fadaraalka galay safarro badan oo uu ku baadi-goobayay cid ka dulqaado culaykaas, balse inay ka aqbalaan iskaba daaye waxa uu kala kulmay arin kala oo ka daran, taas oo ah in dawladaha reer Galbeedka ay joojin doonaan mushaaraadka ciidamada dawladda Fadaraalka.

Waxaana saadaasha ay aad ugu badan tahay, in Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dhici karaan waxii ku habsaday saxiibadiisa Ashraf qaani iyo Bishaar Al-Asad, kuwaas oo dharaar cad ka cararay magaalooyinka Kaabul  iyo Dimishiq.

5: Qodobka ugu danbeeya ee maqaalkay-ga waa taageerada shacabka, Bishaar Al-Asad iyo aabihiis oo talada dalkaas hayay muddo dhan 53 sano ayaanan wax taageero ah ka haysanin dadka shacabka ah ee reer Suuriya, waxa ayna kula kaceen dadka rayidka ah gabood fallo nooc kasta ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarig, jirdil iyo in xoog lagu qaato guryahooda, taas oo kama danbaytii sababtay, in shacabka reer Suuriya ay la saftaan kooxahii-mucaaradka ahaa ee kasoo horjeeday Bishaar Al-Asad, waxayna shacabka iyo kooxahaas oo iskaashanaya ay talada ka tureen mujrimkii dhiig yicabka ahaa ee ku tagri falayay awoodda dalkaas ee uu ka dhaxlay aabihiis.

Marka la fiiriyo dawladda fadaraalka ee uu majara uhayo Xasan Sheekh Maxamuud ma jirto wax taageero ah oo ay ka haysato dhanka shacab Soomaaliyeed, waxa ayna dawladdu boobtay wixii hanti ay lahaayeen umadda Soomaaliyeed, iyadoo aan dhaafin xitaa kuwa xabaalaha ku jira, haba ugu darnaadeenee shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halkaas oo Boqolaal qoys oo rayid ah laga boobay guryahoodii ay ku lahaayeen casimadda, iyaga oo awood iyo xoogg loo sheeganayo.

Qaabaa’ilka Soomaaliyeed ayaa marka ay arkeen dulmiga iyo gabood fallada ay kula kacayso dawladda Fadaraalka waxa ay la safteen Xarakada Al-Shabaab sidii shacabka reer Suuriya oo kale, waxayna si dar-dar leh u tabinayaan warbaahinnada  Al-Shabaab, qabaa’illo iyo beelo kusoo biiraya safka kooxda, waxa ayna Jihaadiyiinta heshiiska iyaga iyo qabaa’illada dhexmaraya uyaqaanaan “bayco” taas oo ay culimada inoo sheegeen inay kaga dayanayaan Nabigeenna (N.N.K.H).

Ugu danbayntii, Maadaama ay shacabka Soomaaliyeed garwaaqsadeen, in dawladda Fadaraalka aysan diin,dal iyo dadba midna dhawrin,  waxaa suurtagal ah in Jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo shacab dulman oo iskaashanaya ay xaqiijayaan, mid lamid ah hadafkii ay gaareen shacab reer  Suuriya, Muqdishana ay marti galiso wixii ka dhacay Kaabul iyo Dimishiq oo kale.

Waxaa qoray: Jaamac Xasan oo ku sugan magaalada London ee carrigga Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here