5 Qof oo Lagu Dilay Duqeymo uu Ruushku ka Fuliyay Dalka Ukraine.

20
0

Ruushka ayaa Gantaalla ku garaacay magaalada Dnipro ee bartamaha Ukraine, waxaana ka dhashay dhimashada Saddex qof, halka Labo qof lagu dilay weeraro uu Ruushku  ku qaaday magaalada Kiev iyo nawaaxigeeda, sida ay saraakiishu Ukraine  sheegeen Sabtidii maanta.

Barasaabka gobolka Dnipropetrovsk ee bartamaha Ukraine, ninka lagu magacaabo Sergei Lysak, ayaa yiri: “Saddex qof ayaa lagu dilay magaalada Dnipro, oo uu ku jiro ilmo yar, halka lagu dhaawacay 19 kale, oo ay ku jiraan Afar carruur ah,  Siddeed ka mid ah ayaana la dhigay isbitaalka.

Barasaabka  ayaa xaqiijiyay, in weerarada xalay ka dhacay gobalka, ay waxyeelo u geysteen dhismayaal dhowr ah, isagoo xusay in dhismo Labo dabaq ah gabi ahaanba uu burburay.

Muuqaallo uu faafiyay Barasaabka gobalka,  ayaa muujinayay xubno ka tirsan gurmadka oo ka dhex shaqeynaya burburka dhismayaasha dhexdooda, kadib markay weerarrada Ruushku beegsadeen goobtaas.

Magaalooyinka Ukraine oo ay ka mid tahay caasimadda dalkaas ee Kiev, ayaa tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka uu ku qaaday dalkaas bishii February ee sanadkii 2022-ka, la kulmaayo weerarro loo adeegsanayo  diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ridada dheer, kuwaas oo ay ka dhasheen  khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here