50 Qof oo lagu Dilay Weerar ka Dhacay Bartamaha Dalka Suudaan

25
0

Dad badan oo shacab ah, ayaa lagu dilay bartamaha dalka Suudaan, kadib weerar ay kala kulmeen ciidamada RSF, kuwaas oo go’doomiyay tiro tuulooyin ah oo ka tirsan gobolka Al-Jaziira, sida ay sheegeen guddiga wax iska caabinta.

Wakaaladda wararka ee France Press ayaa ka soo xigatay  isku xirka guddiyada iska caabinta in shalay jimcihii Tuulooyinka Al-Sariha iyo Azraq ay weerar kusoo qaadeen ciidamada RSF,  ayagoo xusay in 50 qof lagu dilay, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 200 oo qof.

Ciidamada RSF ayaa dhawaanahan kordhiyay weerarada ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah ee ku sugan gobolka beeraleyda ee Al-Jaziira ee dhaca koonfurta Khartoum, kadib markii uu ka goostay taliyihii maleeshiyaatka maamulkaas ugu magacaabnaa gobalkaas, kaas oo dhawaan  ku biiray ciidanka dawlada Suudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here