51 Qof oo ku Shahiiday Weeraradii Ugu Dambeeyay ee Yahuuddu ka Gaysatay Marinka Qaza.

17
0

Ciidamada Yahuudda ayaa weerarro xooggan ku qaaday marinka Qaza, taasoo sababtay dhimashada 51 qof oo Falastiiniyiin ah tan iyo waaberigii Sabtida, waxayna tani ku soo beegantay iyadoo dagaallo ba’an ay  muqawamadu ka waddo waqooyiga marinka Qaza.

Illo goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta usheegay, in 10 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen, ku dhawaad ​​20 kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay Iskuulka Abu Casii oo ay degan yihiin dad barakacayaal ah, kaas  oo ku yaalla Xerada Xeebta ee Galbeedka Magaalada Qaza. Waxa uu intaa ku daray in dhaawacyada iyo meydadka shuhadada loo gudbiyay xarunta caafimaadka ee Al-Shifaa.

5 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 3 dumar ah iyo gabadh ayaa ku shahiiday , qaar kalena waa lagu dhaawacay, weerar ay Yahuuddu ku qaadday guri ku yaalla xerada Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza. Dadka dhaawaca ah ayaa loo soo gudbiyay Isbitaalka Al-Cowda ee ku yaalla xeradaas, waxaana tiro ka mid ah dadkaas loo gudbiyay Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee ku yaalla Deyr Al-Balah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here