Tan iyo markii la aasaasay Kayaanka Sahaayinayada ee gumaysta dhulka Falastiin, waxa ay Yahuuddu dagsatay qorshooyin iyo istiraatiijayad, iyadoona qaaday duulaanno gardarro ah, si ay usii noo laato.
Balse waxaa isbaddalay qorshihii Sahaayinada, kadib natiijadii ka dhalatay dagaalkii Duufaanta Al-Aqsa, kaas oo ku qasbay Yahuudda inay galaan dagaallo dabeeacad cusub leh, oo la yimid astaamo aan caadi ahayn, waxayna beddeleen caqiidadii milatari ee ay aaminsanaayeen tan iyo aasaaskoodii ilaa iyo maanta, Waxaana kamid ah isbeddelladaas:
Inaan lagu dagaallami karin dhul qof kale leeyahay.
Muqaawamada Falastiin ayaa dagaalka u rartay gudaha gumaystaha, taas oo jabisay qabkii iyo isla waynidii gumaystaha, shacabka Yahuuddana waxay aamineen inaysan suurtagal ahayn in lagu noolaada dal aysan lahayn, qaar badan oo iyaga kamid ah ayaana uqaxay dibadaha sida Canada iyo Maraykanka.
Inaysan lahayn ciidamada Yahuudda Khibrad dagaal oo dheer.
Ciidanka Yahuudda ayaan looga baranin in ay dagaallamaan muddo dheer, maadaama dagaalladii ugu dheeraa ee ay qaadeen uu ahaa duullaankii Lubnaan 1982-kii, kaas oo socday dhawr bilood, iyo dagaalkii Nakba ee 1948-kii, kaas oo socday May 1948 kii illaa March 1949kii, kamana badneen Kow iyo Toban bilood.
Balse Dagaalka Duufaanta Al-Aqsa waxa uu Yahuudda ku soo rogay dagaal joogto ah, kaas oo muujinaya daal dheer oo aanay ciidanka Sahaayinda waligood la kulmin taariikhdooda, isla markaana culays ku ah ciidankooda iyo agabkooda.
Dagaal dhinacyo badan leh.
Ciidamada gumeystaha ayaa maanta qaadaya dagaal aad u balaaran kaas oo ka socda furimo badan sida Marinka Qaza, Lubnaan, marka laga soo tago howlgalada ay bilaabeen kooxda Xuuthiyiinta oo ka imaanaya gudaha Yemen, waxaana intaas sii dheer iska horimaadyada ka qarxay dalka Suuriya.
In Yahuudda lagu furo dhowr waji oo dagaal ah, waa horumar aan hore loo arag oo culays ku ah ciidanka Sahaayinada , wuxuuna wiiqaya awooddoodii dagaalka, in kasta oo ay sii socoto taageerada Maraykanka iyo reer galbeedka ay la garabtaaganyihiin gumaystaha.
Dagaallada Jabhadaynta ah.
Yahuudda caado uma lahayn in ay gasho dagaallada waddooyinka ama in ay gasho dagaallada kudhufo iyo ka dhaqaaqa ah, kaasna wuxuu sababay khasaare wayn oo soo gaaray askartooda, sababtoo ah ciidamada Yahuudda uma tababarna dagaal noocan oo kale ah, kaas oo ka socda gudaha magaalooyinka iyo xaafadaha ciriiriga ah, waana difaac adag oo loogu talagalay milkiilayaasha dhulka.
Ciidanka Yahuudda oo aan dan ka lahayn dhibanayaashooda.
Waxaan ognahay in Yahuudda ay qaadi jirtay weerarro ballaaran hal askari oo Yahuuddi ah oo la dilay ama la dhaawacay awgeegiis, balse maanta waxaad mooddaa in uu isbadal ku yimid caqiidadii ciidanka gumaystaha, iyadoo boqolaal askartooda ah la dilay, kumannaan kalana la dhaawacay, ayeey hadana Yahuuddu aysan ka muujinaynin wax qoomama ah khasaaraha soo gaaray ciidamadeeda, waxaana burburay qaacidadii ahayd Yahuudda uma ooyaan dhibanayaasheeda.
Ciidan aan dan ka lahayn maxaabiistiisa.
Laga soo bilaabo maalintii ugu horraysay ee dagaalka Qaza Yahuudda waxay ku dhawaaqday, in hadafkeeda ka sokow burburinta Xamaas uu yahay, xoraynta maxaabiisteeda ay gacanta ku hayso muqaawada, balse maanta, iyada oo tobanaan maxaabiis ay ku jiraan gacanta Xamaas, maysan samaynin Sahaayidada dadaalladii lagu soo celin lahaa maxaabiistaas.