Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay, in 6 qof ay ku dhinteen diyaarad yar oo ku burburtay meel u dhow xarun laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Philadelphia ee gobalka Pennsylvania oo dhaca bariga Mareykanka.
Isla ilo wareedkan ayaa sheegay, in kooxaha dab damiska ay ku hawlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dab ka kacay guryo badan oo ay diyaaradda ku dul burburtay.
Shabakadda Fox News ayaa sidoo kale ka soo xigatay ilo ka tirsan booliiska, in diyaaradda ay ahayd ambalaas ayna saarnaayeen 6 qof oo ay ku jiraan, bukaan, ruuxii la socday bukaankaas iyo laba dhakhtar.
Wargeyska Philadelphia Inquirer, oo soo xiganaya booliiska ayaa sheegay, in shilku dhacay wax yar kadib 6-dii galabnimo ee wakhtiga bariga Mareykanka, uuna ka dhacay meel u dhow suuq wax laga iibsado oo ku yaalla waqooyi-bari ee gobalka Philadelphia.
Arbacadii lasoo dhaafay ayay ahayd, markii labo diyaaradood oo shil ku galay magaalada Washington ay ku dhinteen 67 qof, Kaas oo kamida shilalkii duulimaad ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Mareykanka muddo 25 sano ah.