6 qof oo la La’yahay Kadib markii Dooni ay Wateen Kaluumaysato uu Dab ku Qabsaday Xeebaha Kuuriyada Koonfureed.

20
0

Ilaalada xeebaha ee Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay, in lix qof la la’yahay kadib markii doon ay wateen dad kalluumaysato ah oo ay saarnaayeen 11 qof uu dab ku qabsaday xeebaha koonfur galbeed ee dalkaas, halka shan qof la soo badbaadiyay.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay, in subaxnimadii hore ee saaka dooni ay saarnaayeen kalluumeysato ay ku gubatay biyaha u dhow degaanka Buan oo dhaca koonfur-galbeed ee magaalada caasimadda ah ee Seoul, iyadoo goobta ay gaareen Kooxaha dab damiska si ay u damiyaan dabka.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa Toban Markab oo gurmad ah usoo diray halka uu shilku ka dhacay, waxaana la soo bad baadiyay 5 ka mid ah Shaqaalihii la socday Doontaas, iyadoo la soo bad baadiyay Doonyo kaluumaysi oo halkaasi ka agdhawaa, halka uu maamulka baadi goob ugu jiro Lixda kale ee la la’yahay, hawgallada samatabixinta ayaa wajahaya caqabado ay kamid tahay Mowjadaha badda oo kacsan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here