Lix qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay warshad soo saarta rasaast oo ku taalla koonfur-bari dalka Spain, warshadaas oo hoos timaada shirkadda Rheinmetall Expal ee soo saarta hubka ee laga leeyahay dalka Jarmalka.
Qaraxa ayaa ka dhacay bakhaar ay ku jirtay rasaas oo ay leedahay shirkadda Rheinmetall Expal kaas oo ku yaalla aagga Javalle Viejo ee gobolka Murcia ee daalkaas, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdegga ah ee Spain shalay oo Khamiis ahayd.
Mid ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, iyadoo shirkaddu aysan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan, halka aan la ogeyn sababta ka dambeysay qaraxa.
Wakaalladda Wararka Spain ee Europe Press ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganaysa mas’uuliyiinta, in ragga dhaawaca ah oo ay da’doodu u dhaxayso 30 illaa 52 jir ay dhaawacyadu ka soo gaareen madaxa, waxaana shan ka mid ah loo qaaday isbitaallada si loogu daweeyo.
Qaraxan ayaa sidoo kale sababay dab ka kacay kaymo ku yaalla agagaarka warshadda, kaasoo ku baahay dhul dhan laba kun oo mitir oo laba jibaaran ka hor inta aan la damin.