Dagaallo culus oo mar kale lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka, ayaa Maqribkii shalay waxay ka dhaceen duleedka degaank Aboorreey ee gobolka Hiiraan.
Khasaare iskugu jira Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalladan,iyadoo askarta Dowladda Fedaraalku ay meydadkooda ka carareen qaar kamid ah askarta laga dilay.
Ugu yaraan 18 askari oo ay 2 kamid ah meydadkooda uga carareen goobta dagaalka ayaa laga dilay Dowladda Fedaraalka, halka laga dhaawacay 43 kale.
Dagaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli duhurnimadii shalay isku hor imaadyo xooggan oo halkaasi ka dhacay lagu dilay 8 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, 9 kalena looga dhaawacay.