Barnaamijka”Waxa qarsoon ayaa ka weyn” ayaa muujinaya fashilka sirdoonka iyo geesinimada Sinwar Iyo Muxamed Dheyf.

30
0

Channel 12 ee Yahuudda waxay tixgelisay in waxyaabaha ay Aljazeera ku soo bandhigtay barnaamijka “waxa qarsoon ayaa ka weyn” ay muujinayso baaxadda fashilka sirdoonka ee “Sabti madow”.

Waxay sheegtay in baaritaanka Aljazeera lagu ogaaday agab ay Xamaas heshay ka hor Oktoobar 7, 2023, taasina ay muujinayso heerka indho la’aanta amni ee ka hor weerarka.

Kanaalka Yahuudda ayaa sheegay in baaritaanka Aljazeera uu diiwaan geliyay dhaq-dhaqaaqa madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islamka (Hamas), Yahya Sinwar, oo isku qarinaya Tel al-Sultan ee Rafah, isaga oo hagaya dagaalka khariidado gudaha guri ku yaala Rafah halkaas oo ay hore uga hawl gali jireen ciidamada xooga dalka.

Dhanka kale, wargeyska Yahuudda ee “Maariv” wuxuu tixgeliyey in dukumentiga “Waxa qarsoon uu ka weyn yahay” wuxuu xaqiijinayaa in Sinwar uusan ka cabsaneynin inuu socdo waddooyinka inta lagu jiro dagaalka.

Qeyb gaar ah oo ka mid ah barnaamijka “waxa qarsoon ayaa ka weyn” oo laga sii daayo Al Jazeera, Iyadoonna Shaaaca   ka qaaday tafaasiil aan horay loo arag oo ku saabsan howlgalka “Daadadka Al-Aqsa” ee ay fuliyeen guutada Al-Qassam Oktoobar 7, 2023 .

Baaritaanka ayaa waxaa ku jiray muuqaalo gaar ah oo ay shaaciyeen guutada Al-Qassam markii ugu horeysay, iyagoo diiwaangeliyay marxaladihii qorsheynta ee howlgalka “Daadadka Al-Aqsa” iyo waxyaabihii ka dhashay, laga soo bilaabo markii ay isugu yeereen hoggaanka ciidamada illaa iyo xilliga la hirgeliyay.

Muuqaalo naadir ah ayaa sidoo kale muujinaya taliyaha guud ee guutada Qassam, Mohammed Deif, oo cagihiisa ku taagan gudaha qolka howlgallada militariga, isagoo taabashadii ugu dambeysay ka dhigaysa qorshaha weerarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here