73 qof oo ku shahiiday Beit Lahiya oo dhacda waqooyiga marinka Qaza.

31
0

Waqooyiga Marinka Qaza, ayaa laga diiwaan geliyay xasuuqii labaad in ka yar 24 saacadood gudahood, kadib markii 33 falastiiniyiin ah – oo ay ku jiraan 21 haween ah – lagu dilay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday xerada Jabaaliya, saacadihii hore ee shalay Sabtidii.

Xasuuqaas wax yar kadib hadana diyarada cadawgu waxay gaysteen xasuuq kale oo ka daran. 73 Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday tobanaan kalena way ku dhaawacmeen, xasuuq ay ciidamada gumaystaha Yahuuddu ka gaysteen deegaanka Beit Lahiya ee waqooyiga marinka Qaza, halkaas oo lagu hayo go’doomin adag oo khatar ku ah nolosha boqolaal kun oo qof oo ku nool gobolkaas.

Afhayeenka difaaca madaniga ah ee Qaza, Maxamud Basal, ayaa sheegay in ciidamada gumaysigu ay duqayn culus la beegsadeen, goob ay ku sugnaayeen dad badan oo barakacayaal ah oo ku taala deegaanka Beit Lahiya, taas oo keentay in 73 qof ay shahiidaan, halka  ay ku dhaawacmeen dad intaa kabadan,  wuxuu sheegay inay jiraan dad wali la raadinayo oo la’layahy.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalintii 15-aad oo ay Ciidamada Sahaayinadu go’adoon balaaran ku hayaan waqooyiga Qaza, Xasuuqan wuxuu dhacay saacado un kadib markii Yahuuddu jartay isgaarsiinta iyo Internet-ka gobolka,  Taas oo keenaysa in la ogaan waayo  gumaadka ka socda halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here