Ciidamada Yahuudda ayaa xasuuq cusub ka geystay magaalada Beit Lahia ee waqooyiga Marinka Qaza, waxayna sidoo kale weerarro xooggan la beegsadeen goobo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qaza.
Warbaahinta ayaa xaqiijisay in meydadka 77 ruux oo shuhada ah laga helay guri shan dabaq ka kooban oo ku yaalla Beit Lahia ee waqooyiga Marinka Gaza, kaas oo subaxnimadii hore ee maanta duqayayn la beegsadeen ciidamada Yahuudda.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay, in Tobannaan qof oo dhaawac ah ay wali ku hoos jiraan burburka dhismayaasha soo dumay, halkaas oo ay ku sugnaayeen ku dhawaad 100 ruux oo barakacayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Hossam Abu Safiya, oo ah maamulaha Isbitaalka Kamaal Cadwaan, ayaa xaqiijiyay in ciidamada Sahaayinada ay wali duqeymo ka fulinayaan agagaarka Isbitaalka, xilli ay la tacaalayaan daawaynta dadkii ku dhaawacmay xasuuqii ka dhacay Isbitaalka, wuxuuna sheegay maamulaha, in isbitaalku uu awoodi waayay in uu dabiibo Tobannaan qof oo dhaawac ah, sababo la xariiro adeegyadii isbitaalka oo gabaabsi ah, taas oo keentay dhimashada badi dadkii dhaawacmay.
Dhinaca kale, 7 qof oo shacab ah oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku shahiiday, duqeyn ay Yahuuddu ka geysatay koonfurta xerada Nuseyrat ee bartamaha Marinka Qaza.
Dhanka magaalada Rafah, waxaa ku shahiiday 3 ruux, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, duqeyn ay Sahaayinda la beegsatay deegaanka Khirbet Al-Adas ee waqooyiga magaalada Rafah, dadka dhaawaca ah iyo meydadka shuhadada ayaa loo gudbiyay xarunta caafimaadka ee Nasser Medical Complex, oo ku taalla magaalada Khan Yuunis.