Ciidamada Yahuudda ayaa saaka xoog ku galay magaalooyinka Jenin iyo Salfit ee katirsan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, hawlgaladan oo socday tan iyo shalay, waxaa ku shahiiday tiro falastiiniyiin ah.
Ciidamada gumaystaha Yahuudda, waxay hawlgal aad u balaaran ka fuliyeen waqooyiga daanta galbeed, kaas oo ilaa hadda sababay dhimashada 8 falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale. Sidoo kale waxay xirxireen tobaneeyo qof, ayagoo burbur baahsan ugaystay kaabayaasha dhaqaalaha iyo guryaha dadka rayidka ah dagan yihiin.
Wakaaladda wararka ee Falastiin WAFA, oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay, in ciidamada gumaysigu ay xoog ku galeen magaalada Jenin ee waqooyiga daanta galbeed, weerarakaas oo ay kasoo qaadeen kontoroolka ciidamada ee Dotan. Waxaa halkaas ka dhacay iska hor imaad xooggan oo udhaxeeya xoogaga Falastiiniyiinta iyo Yahuudda.
Ciidamada gumeysiga ayaa sidoo kale saaka weeraray magaalada Salfit ee ku taalla bartamaha daanta galbeed, waxay magaaladan ku weerareen Bambooyinka dhawaaqa sameeya.
Tirada guud ee dadka shacabka ah ee ku dhintay daanta galbeed ayaa gaartay 777 qof oo Falastiiniyiin ah, iyo dhaawaca 6,300 oo qof, tan iyo Octobar 7, 2023, sida lagasoo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta.