8 Ruux oo hal Qoys ah oo ku Shahiiday Duqeyn ay Yahuudda ka Gaysatay Nuseirat.

60
0

8 xubnood oo ka kooban hal qoys ayaa la dilay maantoo Axad ah, kadib markii diyaaradaha ciidamada Sahaayinada ay duqeeyeen guri ay ka deganaayeen deegaanka Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza.

Ilo-wareedyo maxalli  ah ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa in Diyaaradaha Ciiddanka Yahuudda ay duqeeyeen guri ay deggan yihiin Qoyska Abu Dalal oo ku yaalla magaalladda Nuseyrat, taasi oo sababtay dhimashada 8 qof  oo ka soo jeeda Qoyska Abu-Ghali oo hore ugu soo qaxay Guriga  Abu Dalal.

Wakaaladdu waxay sheegtay in dadka dhintay ay kala ahaayeen: Abu Ghali iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Shahira, iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, waxaana la dhigay Isbitaalka Al-Cowda.

Ciidamada  Sahaayinada ayaa maalintii Siddeedaad oo xiriir ah go’doon ku haya xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, waxaana ay duqeeyeen tiro guryo ah, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli uu dab ka kacay goobo badan oo xerada ka tirsan, kaddib markii ay soo noqnoqdeen duqaymaha Yahuudda ay la beegsanayaan xaradaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here