82 Qof oo ku Dhintay Dagaallo 3 Maalmood ka Socday Pakistan.

26
0

Dagaalla udhaxeeya Muslimiinta iyo kooxa Shiica ah oo ka socday waqooyi-galbeed ee Pakistan tan iyo khamiistii lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 82 qof, halka 156 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu maanta sheegay sarkaal maxalli ah.

Mas’uulka maxalliga ah ee mandiqadda  Kurram ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa – oo codsaday in aan magaciisa la shaacin – ayaa yiri, “Dadka dhintay waxay ahaayeen 16 Sunni ah, halka 66 ruuxna ay ka tirsanaayeen kooxda Shiicada ah”.

Tan iyo xagaagii, dagaallo u dhexeeya Sunniyiinta iyo Shiicada ee  mandiqadda Kurram ee dhacda xuduuda dalka  Afgaanistaan ​​ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof.

Dagaaladii ugu dambeeyay ayaa billowday maalintii Khamiista markaasoo  laba kolonyo Shiico ah oo safar ku jiray la weeraray, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 43 qof, 11 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana ka dhashay israsaasayn socotay laba maalmood.

Jimcihii lasoo dhafay ayeey ahayd, markii kooxa hubeysan ay weerar ku qaadeen suuqa Bagaan oo ah goob ay ku badan yihiin Suniyiinta. Saraakiisha ayaa ku waramayo in kooxda weerarka gaysatay ay adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus, taasi oo keentay in la burburiyo boqolaal dukaamo ah iyo guryo, iyagoo ka jawaabaya weerarka  ayey dadka Muslimiinta Sunniga ah billaabeen rasaas xooggan oo socotay muddo saacado ah, taasoo keentay in xaaladda amniga ay sii xumaato.

Dagaallada shalay  dhacay ayaa sababay dhimashada 32 qof, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dadka deegaanka ah, sarkaalkan ayaa intaa ku daray, in dadka dhintay ay kala ahaayeen 14 qof oo Sunni ah iyo 18 Shiico ah.

Waziir u ahadlay dawladda Pakistan ayaa yiri  “waxa aan mudnaanta koowaad saarayno waa inaan dhexdhexaadinno labada dhinac  xabad joojina dhex dhigno, marka taas la gaaro, waxaan bilaabi karnaa inaan wax ka qabano arrimaha aasaasiga ah.”

Xiisada ka taagan Kurram ayaa la filayaa in ay sii xumaato hadii dowlada Pakistan aysan qaadin talaabooyin deg deg ah oo lagu qaboojinayo xaalada islamarkaana kor loogu qaadayo amaanka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here