88 Qof oo ku Shahiiday Xasuuq Cusub oo ka Dhacay Magaalada Beit Lahia iyo Xaafada Sheikh Radwan ee Waqooyiga Marinka Qaza.

16
0

Xasuuq cusub oo ay ciidamada gumaysigu ka gaysteen marinka Qaza ayaa sababy shahiidka ku dhawaad 100 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo dumar iyo caruur ubadnaa, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay tiro intaas kabadan.

88 Falastiiniyiin ah oo u badan haween iyo caruur ayaa ku shahiiday laba xasuuq oo ay ciidamada guumaysiga Yahuuddu ka gaysteen subaxnimadii Khamiista magaalada Beit Lahia iyo xaafadda Sheikh Radwan ee waqooyiga Marinka Qaza.

Illo goob joogayaal  ah ayaa sheegay, in 66 qof oo u badan caruur iyo haween ay ku shahiideen, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Sahaayinadu ku garaacday xaafad ay degananaayeen oo ku taalla agagaarka isbitaalka Kamaal Adwan ee magaalada Beit Lahia ee waqooyiga Marinka Qaza.

Sida ay ku soo waramayaan dad goob joogayaal ah waxay sheegayaan, in  goobta xasuuqu ka dhacay aysan jirin gurmad caafimaad oo soo gaaray, kaddib markii ay istaageen adeegyadii gargaarka ee waqooyiga marinka Qaza bil ka hor, taas oo keentay go’adoonka adag ee ay ciidamada Yahuuddu kusoo rogeen.

Ciidamada gumeysiga ayaa mar kale gaystay xasuuq ay ku shahiideen 22 qof oo ay ku jiraan 10 carruur ah, kaddib markii ay duqeeyeen guriga qoyska “Al-Arouqi” oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee waqooyiga marinka Qaza.

Saddex dumar ah oo falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ku shahiiday, duqeynta ciidamada gumeysiga ay ka geysteen guri ku yaalla agagaarka isbitaalka Al Awda ee xerada Nuseyrat ee bartamaha marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here