Dalka Afgaanistaan Waxaa Ka Dhacay Xaflad Qalin Jabin ah oo Loo Qabtay Boqolaal Katirsan Ciidamada Imaarada Islaamiha ah ee Afgaanistaan.

62
0

Dalka Afgaanistaan waxaa lagu qabtay xaflad ay ku qalin jabiyeen boqolaal ka tirsan ciidamada Kumaandooska Imaarada islaamiga ah  ee Afgaanistaan oo ka qalin jebisay tababar gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo loo qabtay guutada 513 ee kamaandoos ciidamada Islaamiga ah ee Afgaanistaan.

Wasaaradda gaashaandhiga imaarada islaamiga ah ee Afgaanistaan waxa ay sheegtay in askarta qalin jabisay ay soo gebagebeeyeen tababar xooggan oo socday muddo afar bilood ah, kaasi oo isugu jiray tababar ciidan oo aad u adag, tababar dhinaca fikirka ah, iyo xirfado horumarsan, iyadoo ugu dambayntiina ay qaateen shahaadooyinka qalin jabinta.

Intii ay socotay xaflada qalin jabinta ayaa waxaa ka hadlay goobta taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ee imaarada islaamiga ah ee Afgaanistaan Qari Muxamed Fasihuuddin oo la hadlay ardaydii qalin jabisay asagoo yiri:

xirfadiina iyo kartidiina gaarka ah waxay meesha ka saartay rajadii cadawga Afgaanistaan ee ahaa inay ka midho dhaliyaan hadafkooda guracan, waxayna cadeeyeen in ciidamada imaarada islaamiga ah ay mar walba diyaar u yihiin difaacida diinta iyo qarannimada.

Munaasabada ayaa ciidamada Kumaandooska waxa ay kusoo bandhigeen qaar kamid ah xirfadaha dagaalka iyo hubkooda casriga ah, waxa ayna sidoo kale cadeeyeen in ay si buuxda diyaar ugu yihiin in dalka taako kasta oo kamid ah ciidiisa ay ku difaacaan naftoodana ay u huraan arintaas. Waxaa xusid mudan in ciidamada islaamiga ah xiligan lagu arkayo horumar iyo tababaro aan horay loo arag, iyadoo la filayo in dhawaan ay isku badali doonaan ciidan abaabulan oo xirfad leh oo la mid ah ciidamada gobolka.

Hoos ka daawo sawirada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here