Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ruushku ay weerar aad u ballaaran ku qaadeen caasimadda Ukraine ee Kyiv iyo magaalada Odessa, taasoo keentay inuu dab ka kaco meelo kala duwan oo ka tirsan magaaladan.
Ilo goobjoog ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay maqleen qaraxyo waawayn oo lagu beegsaday xarumo ku yaalla magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine fiidnimadii Khamiista, waxayna ciidamada Ukraine hawlgaliyeen nidaamyada difaaca ee ka hortaga weerarada cirka ee ay soo qaadayaan ciidamada Ruushka.
Magaalo xeebeedka Odessa ee koonfurta Ukraine ayaa sidoo kale waxaa lagu qaaday weeraro dhowr ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, taasoo keentay in uu dab ka kaco qeybo badan oo katirsan magaalada.
“Odessa way gubaneysaa, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa garaacaya bartilmaameedyada rayidka oo ku yaalla magaalada,” ayuu yiri Andriy Yermak oo ah madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine oo la hadlay warbaahinta.
Weerar kale ayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka waxa ay la beegsadeen magaalada warshadaha ee Zaporizhia ee ku taalla koonfur bari dalka Ukraine, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka, ugu yaraan laba qof ayaana ku dhaawacmay weerarkaas, waxaana ku burburay 4 dhisme oo ku yaallay magaaladaas.
Ukraine ayaa in ka badan saddex sano la dagaallameysa duullaan ballaaran oo uga imaanaya dhanka Ruushka. Labada dhinacna waxay dhowaan muujiyeen rabitaan mabda’a oo looga hortagayo weerarrada midba midka kale ku hayo kaabayaasha tamarta.