Yaxye Sariic: Waxaan Dagaal Saacado Qaatay la Galnay Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka.

23
0

Kooxaha Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay weerarro culus la beegsadeen maraakiibta Maraykanka ee ku sugan badda Cas, iyadoo mudoyinkan dambe ay xoogaysteen weerarada uu Maraykanku ka fulinayo gudaha Yemen.

Afhayeenka ciidamada Xuuthiyiinta Yahya Saree ayaa manta ku dhawaaqay in markabka USS Harry Truman iyo maraakiibta dagaalka ee cadawga lagu bartilmaameedsaday badda cas.

Hadal uu ka jeediyay Telefishinka Al Masirah ee Satelite-ka, ayuu Yaxya ku sheegay, in la-hawlgalkii Markabka Truman iyo Maraakiibta kale ee dagaalka ee Mareykanka lagu fuliyay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, uuna socday muddo saacado ah.

Waa markii shanaad ee kooxda Xuuthiyiinta ay ku dhawaaqaan in ay bartilmaameedsanayaan markabka Truman tan iyo markii ay bilowdeen duqeymaha ba’an ee diyaaradaha Mareykanka ay ku hayaan Yemen in ka badan todobaad ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here