Dhawr Askari oo Ameerikaan ah oo ku Dhintay Dhoolatus Militari oo ay ka Samaynayeen Dalka Lithuania ee Qaarada Yurub.

43
0

Afar askari oo Ameerikaan ah ayaa dhintay kaddib dhoolatus militari oo ay ciidamada Maraykanku ka sameeyeen dalka Lithuania ee qaarada Yurub, Xoghayaha Guud ee ururka NATO Mark Rutte ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhoolatuskan ku dhinteen tiro askar ah oo qayb ka ahaa Ciidamada Maraykanka.

Milatariga dalka Lithuania ayaa shalay arbacadii ku dhawaaqay in howlgallo lagu baadigoobayay afar askari oo Mareykan ah iyo gaari gaashaaman oo ay wateen ay haatan ka socdaan gobolada dalkaas.

Afarta askari iyo baabuurkii ay wateen ayaa la sheegay, in la la’yahay tan iyo galabnimadii Talaadada intii lagu guda jiray dhoolatus ka dhacayay xerada General Silvestras ee ku taalla magaalada Pabrad oo wax ka yar 10 kilomitir u jirta soohdinta uu dalkaasi la wadaago dalka Belarus, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.

Dalka Lithuania ee dhaca qaaradda Yurub ayaa xubin ka ah gaashaan-buurta NATO iyo Midowga Yurub, waxaana dalkaas ku sugan in ka badan 1,000 askari oo Ameerikaan ah, xiriirka dalkan uu la leeyahay Ruushka ayaa inta badan ahaa mid aan wanaagsanayn tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Midowgii Soofiyeeti ee sanadkii 1990-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here