Gobalka Shabellada Hoose waxaa shalay iyo maanta ka dhacay dagaallo culus oo dhawar jeer lagu jebiyay ciidamada dawladda fadaraalka, dagaalada maanta ka dhacay duleedka Afgooye waxaa lagu dilay 9 askari oo kamid ahaa ciidamada dawladda fadaraalka.
Sidoo kale dagaalkii shalay ka dhacay isla duleedka degmada Afgooye, waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamo badan oo katirsan kuwa dawladda fadaraalka, ayadoo ay ku dhinteen 10 askari, halka ay ku dhawacmeen 14 kale.
Ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaaladaas kusoo qaniimaystay illaa 2 qori oo ah nooca AK47, Qori PKM ah iyo Qori RBG ah.