Tirada Dadka ku Dhintay Dhulgariirkii ku Dhuftay Dalka Myanmar oo kor u Dhaaftay 3 Kun oo Qof.

12
0

Xoga dheeraad ah ayaa kasoo baxayo dhulgariir xooggan oo dhawaan ku dhuftay dalka Myanmar ee dhaca qaaradda Aasiya, kaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen boqolaal ruux, waxaana hadda lasoo warinayaa, in dhashada oo kaliya ay kor u dhaaftay 3 Kun oo qof, sida uu sheegay golaha militariga ee talada haya.

Afhayeen u hadlay golaha militariga ee dalkaasi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in dhimashadu ay gaareyso 3,085 qof, iyadoo 341 qofna wali la la’yahay, halka 4,715 ruuxna ay ku dhaawacmeen, kadib lix maalmood oo dalkaasii uu ku dhuftay dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.7 darajo.

Shan maalmood kadib dhulgariirka, dadka deegaanka ayaa ka cabanaya gargaar la’aan, iyadoo xarumihii caafimaadka ee dalkaasi ay waxyeello kasoo gaartay dhulgariirka, kuwaas oo markii horeba ciriiri ku jiray marka loo fiiriya tirada badan ee bukaannada ay qaabilayeen, halka cuntada, biyaha, iyo dawooyinka ay sii yaraanayaan.

Colaadda sokeeye ee ka dhalatay afgambigii xilka looga tuuray dowladdii rayidka ahayd ee Myanmar, ayaa saameyn taban ku yeeshay nidaamka caafimaadka oo markii horeba ku jiray xaalad halis ah ka hor dhulgariirka, iyadoo dagaalka ay ku barakaceen in ka badan 3.5 milyan oo qof, kuwaas oo ku nool xaalado hubanti la’aan ah, sida ay sheegtay waxa loogu yeero Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here