Dowladda Mareykanka oo Cambaareysay Weerarkii ka Dhacay Yeman.

51
0

Dowlada Mareykanka oo dagaal islaam ka dirir ah kaga jirta dalka Yeman mudo aad udheer ayaa soo saartay bayaan.

Safaarada Mareykanka ee dalka Yeman ayaa sheegtay in ay cambaarayneso weerarkii shalay ka dhacay dalka Yeman.

Weerarka oo ay fuliyeen ururka Alqaacida ayaa lala beegsaday maleeshiyaad ee tababartay dowlada Imaaraatka Carabta, kuwaas oo dhibaato badan ku haayo muslimiinta ku dhaqan koonfurta dalka Yeman.

“Safaarada Mareykanka ee Yeman waxay si kulul u cambareynesa weerarkii argagixisnimo ee argagaxa lahaa ee ka dhacay gobolka Abyan, weerarkaas oo ay ku dhinteen tobanaan askari. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska ay ka dhinteen askarta.” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay safaarda Mareykanka ee dalka Yeman.

Dowlada Mareykanka ayaa aaminsan in faraca ururka Alqaacida ee dalka Yeman in uu yahay mid ka mid ah faractada ugu halista badan ee ururka Alqaacida.

Alqaacidada Yeman ayaa weeraro dhiig badan uu ku daatay ka fulisay gudaha wadama reer galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here