Markab Sahay u Siday Ciidamada Maraykanka ee Ku Sugan Badda Cas oo Lakulmay Weerar Duqayn ah.

32
0

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yahya Sariic ayaa ku dhawaaqay saaka oo Axad ah in ciidamada badda ee kooxdu ay bartilmaameedsadeen markab sahay u siday markabka Mareykanka ee Harry S. Truman oo ay, saarnaayeen gantaallo ballistic ah.

Warbixin muuqaal ah oo uu baahiyay TV-ga Al Masirah ayuu ku sheegay Afhayeenku, in ciidamada gantaalada iyo kuwa ku hawlgala diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay beegsadeen markabka xamuulka ah ee Truman oo marayay badda cas, wuxuuna intaas ku daray in hawlgalkan uu ka hortagay weerarro uu Maraykanku doonayay inuu ka fuliyo gudaha Yemen saacadaha soo socda.

Afhayeenka milateriga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadoodu ay sii wadi doonaan taageeradooda iyo howlgallada difaaceed inta ay ka joogsanayaan duullaanka gardarrada ah ee ay Yahuuddu ku hayso Qaza, lagana qaadayo go’doominta.

Xuutiyiinta ayaa marar badan ku dhawaaqday, inay gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ay ku beegsadeen marakiibta Maraykanka ee mara badda cas, iyagoo sheegay inay ku garab istaagayaan halganka ay reer Falastiin ay kula jiraan Kayaanka Sahaayinada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here